Raila Odinga oo lataliye ka dhigtay nin Soomaali ah + Sababta iyo howsha

Nairobi (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha waddanka Kenya Raila Odinga ayaa u magacaabay lataliyihiisa dhinaca siyasadda arrimaha Soomaaliya Ibrahim Axmed Rashid.

Kaliye ma ahan arrimaha Soomaaliya in uu kala shaqayn doono, ee wuxuu sidoo kale kala shaqayn donna arrimaha gobalka oo dhan.

“Waa ku kalsoonahay in dadka Soomaliyeed ay u midoobi doonan kahor taga dhibaatooyinkii ugu dambeeyay” sidaa waxaa yiri Odinga.

Mr. Rashiida ayaa noqon doona ninka isku xiri Ra’iisal wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya, waa qof ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya ka socda.

Magacaabista Ibrahim Ahmed, ayaa kusoo aadeeysa xilli uu wadanka Kenya booqasho laba cisho ah ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Soomaali badan oo ah Kenyan ayaa xilal ka haya xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Odinga waxa ka mid ah wasiirka gaashandhiga Yuusuf Xaaji.

Kenya iyo dowladda Soomaaliya xiriirkooda ma wanaagsaneen tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii September ee sannadkan.

Labada dowladood ayaa ku kala aragti duwan maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kenya ayaa olale ballaaran ugu jirta siddii degdeg loo samen lahaa maamulka jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi