Dowladda oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii xarunta gobolka iyo khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada amniga ay soo afjareen weerarkii dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay maanta kusoo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada ay toogteen xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday, kuwaasi oo ahaa lix dagaal-yahan.

Maleeshiyaadka Shabaabka ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.

Dowladda ayaa xaqiijisay in weerarkii xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku dhinteen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

“Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawl-gal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

“Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.”

Dowladda federaalka ayaa ugu dambeyntiina ka tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkaasi, ayada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay.

“Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.”

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho, kadib howl-galada ka billowday gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.