LAFTA-GAREEN oo qaaday tallaabo la xiriirta askar loo xiray shaqaaqadii Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyay 20 Maxbuus oo ku xiran xabsiga hay’adda Nabad-sugidda Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Lafta-gareen ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray cafiska maxaabiistan, oo uu sheegay inay ku timid talo soo jeedinta ciidanka booliska Soomaaliyeed laanta dambi baarista maamulkaasi.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22 January 2023, waxaa uu madaxweynaha DKGS cafis iyo saamaxaad u fidiyay maxaabiis, maadama lagu guda jiro hanaanka dib-u-heshiisiinta ee dowladda Koonfur Galbeed, sidaas awgeed waxa uu xafiiska xeer ilaalinta iyo nabad-sugida la farayaa in laga sii daayo xabsiga Nabadsugida KG ee degmada maxaabiista ku xiran sida ku xusan magacyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maxaabistan ayaa waxaa lasoo xiray xilligii ay sii xoogeysatay xiisadda siyaasadeed ee mucaaridka iyo Lafta-gareen u dhaxeysay, waxayna u badan yihiin askar ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii dambe waxaa ka socday dadaalo kala duwan oo xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, ayada oo madaxweynaha uu furay shirka dib-u-heshiisiinta maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo sidoo kale kamid ah masuuliyiinta dadaalada ka wada Baydhaba ayaa dhawaan wuxuu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa dadaal badan lagu bixinaya sidii uguuleysan lahaa, kaasi oo la sheegay in uu dan u yahay maamulka oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso magacyada maxaabiista uu cafiska u fidiyay Lafta-gareen.