FAARAX C/Qaadir iyo wasiirada Xasan Sheikh la safnaa oo xilalka laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Sheikh Axmed Maxamed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno kamid ah golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isku badalay wasiirka garsoorka xukuumada Soomaaliya iyo wasiirka xanaanada xoolaha xukuumada Soomaaliya.

FaaraxC/qaadir wasiirkii dastuurka ayaa laga dhigay wasiirada xanaanada xoolaha xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale Saalim Caliyow Ibrow wasiirkii xaanada xoolaha ayaa laga dhigay wasiirka Dastuurka.

Wasiiro dowlaha wasaarada maaliyada Burci Maxamed Xamza

Wasiiru dowlada wasaarada maalgashiya iyo arimaha dibada C/laahi Maxamed Nuur.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha dibada iyo Dhiirgelinta Maalgashiga C/raxmaan Cabdi Cusmaan

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyada C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirk caalamiga Mahad Maxamed Salaad.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur.

Go’aanka isku shandheynta ayaa waxaa la sheegay inuu dhaqangalaayo marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia