Xog-horudhac ah: Masharaxiinta xilka madaxtinimada ee 2016 + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2016, waxaa weli naga xiga waqti badan iyo geeri, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar horudhac ah oo ku saabsan shaqsiyaadka laga yaabo inay is-sharxaan.

Diblumaasi lagu magacaabo Axmed Guuleed, oo Muqdisho ku sugan ayaa Caasimada Online u sheegay in hadal heynta Musharaxiinta u tartameysa qabashada madaxtinimada dalka ee dhaceysa 2016-ka laga dhex dareemayo masraxyada siyaasadda.

Diblumaasiga ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay inay jiraan Mas’uuliyiin ay cadahay inay is-sharxayaan iyo kuwa loo maleynayo, balse aan weli la xaqiiji Karin.

Xubanaha is-sharxaya 2016 waxaa ka mid ah:-

1-Xasan Sheekh Maxamuud
2-Shariif Sheekh Axmed
3-Cabdi-Qaasim Salaad Xassan
4-Fadumo Dayib
5-Xasan Maxamed Xuseen ”Mungaab”
6-Cali Maxamed Geedi
7- Maxamed Cali Ameeriko
8-Cabdi Weli Sheekh Axmed

Sidoo kale, waxaa jiro Musharaxiin kale oo aan weli caddeyn mowqifkooda, waase ay caddahay in musharaxiinta ay intaas ka badan doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com