XOG: C/kariin Guuleed oo afgambiyay wasiiro iyo agaasimayaal ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga C/kariin Guuleed uu la wareegay howlihii loogu tallo galay agaasimaha Madaxtooyada Somalia.

Ilo wareedka ayaa xaqiijinaaya in gabi ahaan warqadaha ka baxa Villa Somalia, kuwa soo gala iyo weliba kulamada IWM ah uu xiligaani kala wado C/kariin Guulleed, oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, halka Agaasimahana uu ka noqday fadhiid mushaar suge ah, ama xilka isaga magacaaban.

Sidoo kale, ilo-wareedka waxa uu intaa kusii darayaa in Howlaha uu xiligaani wado Guulleed ay kamid yihiin sida Howsha loo igmaday Wasiirka arrimaha dibadda, Gudaha iyo kan maaliyada.

Waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Agaasimaha Villa Somalia uu muujinaayo carro xoogan iyo yaab, islamarkaana uu madaxweyne Xasan dhowr jeer u gudbiyay Codsiyo la xiriira in wax laga badalo faragalinta uu Guuleed ku haayo shaqadiisa, hayeeshee uu ku gacan seeray.

Waxaa xafiiska Madaxweyne Xasan si is daba-joog ah ugu dhacayo warqado dacwad ka ah C/kariin Guulleed oo wada faragalin dhanka Howlaha, kaasi oo sidoo kale ay ka cabanayaan wasiirada uu shaqooyinkooda faraha la galay, waxa ayna arrintaasi muujineysaa in Guuleed uu sharciga ka weyn yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com