Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu ka hadlay wararka maalmahaani ugu danbeeyay kasoo yeeraayay Maamul goboleedyada dalka ee ku aadanaa in Dastuurka lala baalmaray Heshiiskii kusoo idlaaday Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in dadka warbaahinta ka shaacinaaya in Heshiiska DF iyo maamulka Puntland ee ka dhacay Garoowe uu yahay mid sharci daro ah ay leeyihiin dano gaar ah, balse aysan suuragal aheyn in dhag jalaq loo siiyo.
Waxa uu Tilmaamay in Puntland iyo dadka deriska la’ah maslaxadooda ay ku jirto inay si nabadgelyo ah kuwada noolaadaan oo meesha laga saaro daan-daansiga iyo faragalinta Siyaasadeed.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay Puntland kamid tahay halka Koonfurtana ay tahay dhul ka tirsan Galmudug, dadka maamulka dhisanaya ay ku taageerayaan.
Haddalka Madaxweyne Gaas, waxa uu kusoo beegmayaa xili wixii ka dambeeyay heshiiskii Puntland iyo dowladda Soomaaliya ay soo baxayeen diidmo laga muujinaayay heshiiskaasi oo ku aadan in Waqooyiga Gaalkacyo in Puntland ay kamid tahay.
Dhanka kale, Dastuurka dalka u yaalo ayaa waxaa ku qoran in maamul Goboleed ay sameysan karaan labo Gobol iyo wixii ka badan, balse Dastuurka kuma qorno in Gobol iyo Bar loo sameeyo maamul Goboleed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com