Baabuurta madaxda DFS oo billaabay arrin cusub oo aad looga xummaado

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari uu la socday Wasiirka qorshaynta dowladda faderaalka Soomaaliya, Siciid Cabdilaahi Dani ayaa waxa uu dardaray gabar dhalinyaro ah oo wado goyneysay.

Gabadha ayaa waxaa la sheegayaa in da’ ahaan ay jirto 18-15 sano waxa uuna gaariga dardaray xili ay isku dayday inay jarto laamiga hormara Dekada magaalada Muqdisho.

Dilka gabadha kadib ayaa waxaa goobta soo buux dhaafiyay dad badan kuwaasi oo isku dayay inay goobaha caafimaadka lagaaran gabadha, hayeeshee waxaa dadkaasi rasaas ooda uga qaaday Ciidamadii la socday wasiirka.

Saacado kadib ayaa la sheegayaa in goobta uu soo gaaray gaari ka socday dhanka wasaarada oo qaaday dhaawaca gabadha, iyadoona markii hore wasiirka iyo istaafkiisa ay goobta uga tageen dhaawaca.

Dadka waxa ay sheegen in xaalada gabadha ay aad qatar u aheyd Cisbitaalna loola orday.

Dhanka kale, dhacdo tan lamid ah ayaa waxaa si joogta ah ay uga dhacdaa Magaalada Muqdisho, iyadoona inta badan gaadiidka DF, AMISOM iyo kuwa Hay’adaha Ajaanibta ah ay dul maraan dadka shacabka ah xiliyada ay gooynayaan laamiyada.

Ma jirto cid ka danqaneysa geerida iyo dhaawacyada ay shacabka soomaaliyeed xili waliba kala kulmaan gaadiidka AMISOM iyo kuwa DF gaar ahaan kuwa ay wataan ciidamada oo goobta uga dhaqaajiyo dadka ay dilaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com