Maamullada Khaatumo iyo Somaliland oo is hor fadhiisan doona dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in wada hadal dhawaan laga dhex abuuro Maamulka Somaliland iyo Khatumo.

Wada hadalada ayaa bilaabmi doono dabayaaqada todobaadkan, waxaana la Tilmaamayaa in wada hadalka uu noqon doono mid abaabulkiisa kasoo ga’ay Dowlada Ethiopia iyo Jabuuti oo saaxiibo dhow la ah labada maamul.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, oo ay labada dhinac isku arki doonaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhinaca Maamulka Somaliland kulanka ay u meteli doonaan madaxda Saddexda xisbi oo xiligaani ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Sidoo kale, garabka Maamulka Khatumo ayaa waxaa shirkaasi u matali doona Madaxweynaha Maamulka Khatumo Cali Khaliif iyo xubno ka tirsan labadiisa gole.

Dhanka kale, waxaa goobjoog ka ahaan doona wada hadalka Xubno kala matalaaya Ethiopia iyo Jabuuti oo iyagu leh abaabulka shirka, waxaana la filayaa in socoshada shirka uu qaato Afar maalin oo xiriir ah.

Haddii uu wada hadalkani qabsoomo, wuxuu noqonayaa markii u horaysay oo ay is hor fadhiistaan Maamulka Somaliland iyo Khaatumo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com