QM oo meel qarisey qaraar cusub oo Somalia ku saabsan & arrimo ku cusub

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar ku saabsan cunaqabateynta Somalia iyo Eritrea, iyo go’aamo la xiriira hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM).

Qodobada ku xusan qaraarka ayaa waxaa ka mid ah muddo kordhinta kooxda la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea, cunaqabateyn lagu soo rogayo qolyaha ku xadgudbaya cunaqabateynta hubka iyo dhoofinta dhuxusha ee Somalia, iyo iyo muddo kordhin loo sameynayo AMISOM.

Idaacadda VOA-da, ayaa khadka telefonka ee magaalada New York kula xiriirtey wakiilka joogtada ee Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay Dr Elmi Ahmed Duale, kana warreysatay qaraarkan.

Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com