Shirkii Beesha SADE/MAREEXAAN ee Garbahaareey: Maxaa ka soo baxay?

Shirweynaha Midnimo ee wajigiisa koowaad ka furmay magaalo-madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaarey taariikhdu marka ay ahayd 6/10/2014 socdayna illaa 23/10/2014, waxaa ujeeddadiisu tahay in la qaato aragti midaysan ee ku wajahan xal u helidda khilaafyada iyo aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed ee ka jira beesha dhaxdee.

Waxaa shirweynaha ka soo qayb galay 254 ergay oo ka kala yimid gudaha iyo dibedda dalka oo ka soo jeeda beesha Sade. Qodobbada Shirweynaha looga dooday waxa ay kala yihiin:-

I. Xaaladaha ay ku sugan yihiin deegaannada SADE (Dhaqaale, Bulsho, Nabadgelyo iyo Siyaasad)

II. Midaynta SADE

III. Aragti midaysan ee ku aadan fikradaha kala duwan ee habka Federaalka.

IV. Aragti midaysan oo ku aaddan degaannada Jubba.

Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxaa Shirweynaha Midnimo u muuqatay, uuna halkaan ka soo jeedinayaa;
1. Is-cafis guud oo dhexmara beesha SADE, si nabadgelyo lehna ay u kala qaataan wixii xuquuq ah oo ku kala maqan;

2. In loo gudbo, lana qabto wajiga 2aad ee Shirweynaha Midnimo oo ay ku wadatashan doonaan beelaha wada dega degaannada Jubba;

3. Sida Shirweynaha magaciisa ku cad, waxaa ahmiyadda koowaad la siiyey dhawrista iyo sugidda guud ahaan midnimada Shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan tan Beesha siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaanba.

4. Waxaa Shirweynaha si buuxda ugu muuqatay in guud ahaan degaannada Beesha, gaar ahaan Gobolka Gedo aysan ka jirin adeegyo tayo leh sida dhinacyada nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha; waxaana Shirweynuhu u soo jeedinayaa Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya, Beesha Caalamka, Qurbojoogta, iyo Ganacsatada Beesha meel kasta oo ay joogaan, in si dhakhso leh wax looga qabto, looguna hawlgalo wax ka qabashada adeegyada kor ku xusan .

5. Shirweynuhu wuxuu mudnaan siinayaa, dhowrayaana is-afgaradka iyo nabad-ku-wada noolaanshaha beelaha wada dega degaannada Jubba; isaga oo isla markaa rajeynaya in beel walba ay xuquuqdeeda ku raadsato si dastuurka dalka waafaqsan .

6. Waxaa shirka u muuqatay in sida loo wado maamul u samaynta Gobollada Dhexe, gaar ahaan dhinaca awood qaybsiga aan lagu qanacsanayn; waxaana shirweynuhu taageerayaa go’aankii uu wax garadka beesha oo uu hogaaminayo Ugaaska beesha uu ka qaatay arrintan;

7. Si loo qarameeyo ciidanka Ahlu-Sunna Waljamaaca Koonfur-Galbeed, waxaa Shirweynahu soo jeedinayaa in Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya ay fuliso heshiiskii 1da Abriil 2013 ay la gashey Ahlu-Sunna Waljamaaca Koonfur-Galbeed;

8. Si uu si habsami leh ugu hirgalo nidaamka Federaaliga ah, loona gaaro doorasho dimoqraadi ah sanadka 2016; iyada oo la raacayo Dastuurka Dalka, waxaa shirku soo jeedinayaa in Dowladdu si buuxda ugu hawlgasho diyaarinta shuruucda iyo kaabayaasha kale ee u adeegaya suurtogelinta himiladaas;

9. Kaddib markii si qoto dheer looga dooday, lana dersay Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubba ee ku xusan Heshiiska Addis Ababa, waxaa caddaatay, la iskuna waafaqay:-

In heshiiska Addis Ababa uu ahaa mid aysan u dhamayn beelaha wada dega degaannada Jubba; isla markaana dhaqangelintiisii la baalmaray.

In uu maqan yahay dowrkii Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya.

In Urur-Goboleedka IGAD, gaar ahaan Xafiiska Fududeynta Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya (IGAD Facilitator Office for Peace and Reconciliation of Somalia) uusan dhexdhexaad ka ahayn, ayna kaalinteeda fududaynta ay ka baxday, marooqsatayna door awood-fulineed oo aysan lahayn; taasoo sii murgisay, caqabadna ku ah xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta degaanada Jubba.

In Heshiiska Addis Ababa uu gebi ahaan guuldaraystay, ayna mas’uuliyadda 1aad leeyahay Xafiiska Fududeynta Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya (IGAD Facilitator Office for Peace and Reconciliation of Somalia).

10. Waxaa shirweynahu ka walaacsan yahay sida Dowladda iyo Beesha Caalamka isaga indhotirayaan xad-gudubyada iyo tacaddiyada baahsan ee ka soo horjeeda xuquuqda aadnaha ee lagu hayo dadweynaha ku nool degaanka Kismaayo;

11. Talada iyo go’aanka ku aaddan qodobbada 9aad iyo 10aad waxaa si buuxda looga doodi doonaa Shirweynaha Midnimo Wajigiisa 2aad oo ay wadatashi isugu imaanayaan ergooyin ka kala socda beelaha wada dega degaannada Jubba;

12. Si dokumentiga rasmiga ah ee Shirweynaha Midnimo loo dhameystiro, loona xaqiijiyo dhaqangelinta go’aannadiisa, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo soo nooleynta adeegyada aasaasiga ah ee Gobolka Gedo; waxaa la magacaabayaa Guddiga ku-meel-gaar ah oo howlahaas u xilsaaran.
BAAQ:

Shirweynaha Midnimo waxa uu ku baaqayaa:

In Shacbiga Soomaaliyeed u istaago, isuna kaashado sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa qarannimadiisii.

In adeegyada Dowladda iyo kaalmada caalamka si isu dheelitiran loogu qaybiyo, loona gaarsiiyo dhammaan gobollada Dalka.

In dhismaha ciidamada qalabka sida kor loo qaado tayadooda, ayna noqdaan kuwo isku dhafan, kana wada yimaada gobollada dalka oo dhan.

In beelaha wada dega degaannada Jubba ay ku martiqaadan yihiin, kana soo qayb galaan wajiga 2aad ee Shirweynaha Midnimo oo lagu qabanayo magaalo-madaxda gobolka Gedo ee Garbohaarey.
In Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya iyo beesha caalamka ay gacan ka gaystaan suurtogelinta qabsoomidda wajiga 2aad ee Shirweynaha Midnimo.

Mahacelin
Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa maamulka Gobolka Gedo, maamulka iyo qaybaha bulshada ee Degmada Garbohaarey, ciidamada qalabka sida ee qaranka, iyo ciidanka Ahlu-Sunna Waljameeca ee degaanka, ciidanka AMISOM, ganacsatada gudaha iyo dibedda, iyo qurbojoogta Beesha,

Shirweynuhu wuxuu is la mid ah ugu mahadcelinayaa Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda ee ka qayb qaatey gurmadkii abaaraha ee dalka, gaar ahaan Gobolka Gedo. Wadahadal Nabad iyo Midnimo.