Kismaayo: Qarax uu mas’uul sare dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax Khasaaro geystay uu ka dhacay magaalada.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay Sarkaal sare oo ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka KMG Jubba, waxaana la tilmaamayaa in sidoo kale ay ku dhaawacmeen Ciidamo kale.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku Dhaawacmay 5 ka mid ahaa Ciidamada Jubba oo ilaalo u ahaa Sargaalka dhintay.

Xaafadda Qaraxa uu ka dhacay ee Via Afmadow qof ku sugan oo Magaciisa ku Gaabiyay Maxamed Cusmaan ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidamada Jubba ay rasaasta ilaa hadda si aan kala Go’ laheyn ay u Ridayaan.

Dhanka kale, Qaraxa ayaa la tilmaamayaa inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso waxa uuna burburiyay qaraxa Gaariga uu Sarkaalka dhintay oo aan Magaciisa la Xaqiijin Saarnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com