GAAS: Ma aqbalayo dhismaha maamul G/Dhexe oo caqabad ku ah PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey PLTV.

Gaas oo wax laga weydiiyey heshiiskii October 14 Garowe lagu saxiixay iyo muran ka dhashay kala qaybinta gobolka Mudug wuxuu sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ugu sareeyaa heshiiskaas wada taageereen micne weynna sameyn doonin haddii ay jiraan shaqsiyaad xilal hoose ka haya Dowlada Federaalka oo heshiiskaas kahor yimid.

Kala qaybinta gobolka Mudug isagoo ka hadlayeyna wuxuu tilmaamay in dadka u ololeynaya in dhammaan gobolka Mudug kamid noqdo maamulka gobollada dhexe (Koonfurta Mudug iyo Galguduud) ee kasoo horjeestey heshiiskii Garowe yihiin kuwo dulmi ku socda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: “heshiiskaasi waxa weeye heshiis Dowladdu taageertay qaybteeda fulinta ee Madaxweynuhu ugu sareeyo iyo qaybteeda sharci-dejinta labadaba. Yaa diidan weeye? Waxaa diidan cidii markii horeba dulmiga wadey”

Cabdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland taageerayso in gobollada dhexe maamul yeeshaan maadaama nidaam iyo kala dambeyn ka dhalata gobolladaasi faa’iido u tahay Puntland.

Gaas wuxuu intaas ku daray in Puntland marnaba ogolaan doonin dhismaha in maamulkaasi caqabad ku noqdo jiritaankeeda arintaasoo sida uu tilmaamay ah mid aan sinaba ku suurogeli karin.

” waan taageeraynaa dhismaha maamulka gobolada dhexe dan baana noogu jirta maadaama kala dambeyn la’aanta ka jirta gobolladaasi mar kasta saamyn ku yeelato Puntland…laakiin ma ogolaanayno in dhismaha maamulkaasi anaga jiritaankeena caqabad ku noqdo” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com