Beesha Mudullood oo sheegtay inay 5 arrin walaac ka qabto, dalbatayna 5

By Asad Cabdullahi Mataan

Bayaan: Mustaqbalka Mogadishu ee 2016

Beesha Mudulood

Muqdishu, October 2014

Annaga oo ku hadlayna magaca Beesha Mudulood oo ka kooban, Haweenka, Dhallinyarada, Ardayda, Ganacsatada, ururrada arrimaha bulshada iyo hoggaamiyaasha dhaqanka iyo waliba culuma’udiinka waxaan soo dhaweeynayna geedi-socodka iyo horumarka ay Dowladda ka gaartay dib u soo-nooleynta hannaanka dowladnino iyo dhameynta colaadaha sokeeye ee dhiiga badan ku daatay iyo caddaalad xumadi soo socotay mudadii dheerayd ee dhowr iyo labaatanki sanno ee la soo dhaafay.

Inkasto geedi-socodkan uu la soo kulmay walina ay horyaalaan caqabado fara badan, waxaan u aragnaa mid horey u socda oo waliba joogto ah. Waxaan aaminsanahay in aan ku hadleyno codka dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan markii aan dhahno hadafkeena ugu weyn waa in la helaa nabad iyo xasilooni WAARTA iyo waliba dimoqaraadiyad wanaagsan. Waxaana ku hanweynahay in midda ugu danbeysa oo ah dimoqaraadiyadda ay ka dhacdo Soomaaliya gudaheeda ka dib in ku dhow rubuc qarni.

Waxaan aad uu fahansannahay muhiimada ay leedaay in la meelmariyo lana soo af-jaro xaalada siyaasadeed ee uu xiligan waddanka ku suganyahay laguna soo gunaannado doorashooyin xor ah (hal qof hal cod) iyado laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara xaalad kacsan iyo degenasho la’aan. Sidaa daraadeed, waxaan rabnaa in aan halkan ku muujino welwelka weyn ee aan ka qabno arrimaha hoos ku xusan:

1. Geedi socodka arimaha Federaalka oo la marin habaabiyay!

Sida ay hadda wax u socdan, waxaa cad in qorshaha Federalka ee Dowladda wado ee qeyb weyn ku leedahay Beesha Caalamka. Waxaan ka welwelsannahay habka loo dhaqan gelinayo Federaalka iyo asagoo no muuqda mid lagu deg-degay. waana mid aan hindisadaheeda laga so billaabin shacabka, oo laga wado kor, ama mid ee madaxda iyo siyaasiinta keliya wadaan, mana aha mid haysta taageerada inta badan bulshada Soomaaliyeed. Midda kale, sida ay hadda wax u socdaan waxaan is leenahay waxaa taageersan oo hirgilintiisa ku dadaalaya oo kaliya inyar oo leh dano gaar ah (mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale).

Geedi socodka dhisida hanaan Dowladeed oo ku saleysan habka Federaalka waa in uu ka soo bilowdaa hoos lagana qeyb geliyaa dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida bulshada deegaanada loo sameynayo nidaamka iyo ururada ka shaqeeya arrimaha bulshada. Sidaa daraadeed, waa in ay beesha caalamku taageertaa hab ku saleysan wada jir, wada hadal iyo dib u heshisiin. Taa caksigeeda, ma ahan in geedi socodka dhisitaanka nidaamka Federaaliga u noqdo mid kor laga keenay, mana ahan in lagu deg dego dhaqan gelintiisa iyadoo la adeegsanayo quwado shisheeye.

2. Doorasho Madax bannaan

Dadaalada la wado waa in ay ku jiheysnaadaan in degaannada Soomaaliyeed lagu qabto doorashooyin xor ah iyadoo laga siinaayo deegaan kasta kuraasta Barlaamanka cadadka uu xaq uu leeyahay. Balse, inta aan taas la gaarin waa in la helaa tirokoob leysku raacsanyahay ee ku aadan tirada dadka ku nool deegaanada ay doorashadu ka dheceyso si loo xaqiijiyo tirada kaga soo aadeyso fadhiyada Barlamaanka. Waana sida kor ku xusan si xalaal ah oona fudud in lagu gaaro nidaam Federaal ah oo shaqeyna kara intii la abuuri lahaa dhibaatooyin iyo isku dhacyo hor leh oo wiiqa dadaalka dib loogu soo celinaayo Dowladnimadii Soomaaliyeed.

3. Aayaha Moqdisho

Si loogu qeexo qaab dhismeedka Federaalka dhexsdiisa aayaha magaalda Muqdisho, waa in xukuumada Federaalka ay ka gudubtaa balan qaadyada iyo ku cel celinta maran ee ay aqoonsataa in bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ama gobolka Benaadir ay leeyihiin xuquuqo cad cad oo ay ugu weyntahay in ay aayahooda go’aansan karaan. Waa in ay xukuumada ka jawaabta baaqyada ku aadan in Muqdisho/Benaadir ay ka mid noqoto gobolada loo sameynayo maamul ku saleysan nidaamka Federaaliga ah, waana in aan leyska dhego tirin baaqyadan oo la hergeliyaa sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo laga tusaale qaadanaayo geedi socodka hadda ka socdo Soomaaliya oo dhan, kaasoo lagu unkayo maamullo Federaali ah.

Tani waxey suurto gelineysaa in la ilaaliyo taariikhda iyo siyaasadda soo jireenka ah ee ay Muqdisho/Benaadir leedahay. Waxaana ka soo horjeesaneynaa iskuu day kasto oo ka hor imaanaya ama xadidaya ama xaqiraya xuquuqda deegaaneed, mid siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee ay leedahay magaalada Muqdisho. Isku dayada hadda socdo ee aan ka soo horjeedno waxaa ka mid ah, in gobolka Benaadir gebi-ahaantiisa laga dhigo loona tix geliyo caasimad ahaan hoos imaanaya Dowlada dhexe een Federaalka. Waxaan aaminsannahay haddii la qaato nidaamkan in la dhaqan gelinaayo siyaasad qaawan oo qabyaalad salka ku haysa iyo in la isku dayaayo in la daboolo xuquuqda dad iyo deegaaneed midda siyaasadeed iyo muhiimada dhaqaale ee ay Muqdisho u leedahay dadka dagan.

4. Dowlad goboleedyada ku saleysan nidaamka Federaaliga ah

Waxaan welwel aad u weyn ka qabnaa Dowlad goboleedka gobolada dhexe ee ay dhawaan ku dhawaaqday in ay hergelineyso Dowlada Federaalka iyado kaashaneysa saaxiibaded haddii ay ahaan lahaayeen kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ahba. Dastuurka ku meel gaarka ah waxa uu si cad u qeexayaa in Dowlad goboleed kasta oo ka mid ah Federaalka ay ka koobnaato labo gobol iyo tiro ka badan. Laakin sida hadda ka socoto meelaha qaar sida gobolka Mudug oo la qorshenayo in beel qura ay maamul dhistaan waa mid xad gudub ku ah Dastuurka waxeyna saameeyn weyn oo siyaasadeed ku yeelan kartaa goboloda dalka qaar ka mid ah sida gobolada Shabeelada hoose/dhexe iyo Hiiraan. Dowlada Federaalka ah waa inaney ku dhex lifaaqin waxyaabo qaldan Dastuurka dhexdiisa iyadoo raali gelineysa qolo ama gobolo gaar ah. Dhaqanka siyaasadeed ee ku xad gudbaya sida hadda uu Dastuurka ku meel gaarka ahi u qoran yahay waxey saameyn xun ku yeelaneysaa in la dhiso nidaam ku dhisan sharciga. Waxey Soomaaliya ka dhalin doontaa degenaansho la’aan siyaasadeed iyo kacdoon shacbi. Sidaa daraadeed, waa in habka loo aas-aasayo nimaadka Federaaliga ah uu ahaadaa mid xalaal ah si isku mid ahna looga hergeliyaa dhammaan deegaanada Soomaaliyeed.

Ugudanbeyn, waxan halkan ka muujineynaa welwelka aan ka qabno dhisida dhawaan la damacsanyahay in lagu dhiso maamul goboleed laysku daraayo Gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan. Sababta oo ah, habkan ma ahan mid dadka u cad iyadoo dadka badankii ay ku kala ra’yi duwan yihiin in laysku daro labo gobol oo aan laheyn xiriir taariikhi ah oo fog marka loo barbar dhigo xariirka dhaqameed iyo midda dhaqaale ee ay Shabeelada Dhexe la leedahay Gobolka Shabeelada hoose oo kale. Sidaa daraadeed, waxaan u soo jeedineynaa Dowlada iyo beesha caalamkaba aaney ku deg degin oo aaney kala qeybin deegaanada Soomaaliyeed iyagoo eegaya oo kaliya wixii ula muuqda in ay israaci karaan Qariidad ahaan ama ay u arkaan in ay macquul tahay marka ay kor taagan yihiin miiska naqshadeynta iyagoo aan tixgelineynin xiriirka taarikheed iyo midda siyaaso-dhaqaale ee ka dhexeya deegaanda dalka.

5. Nabadgelyada

Xaaalada ammaan ee ka jirta Soomaaliya waa mid laciif ah walina waxaa jira xaalado amni daro meelaha qaar gaar ahaan magaalo madaxda Muqdisho. Sidoo kale, meelaha dhawaan Dowladda gacanteeda soo galay dadka ku dhaqan waxey la kulmaan cabsi iyo khatar xagga ammaanka ah. Waxaan ka codsaneynaa hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sugaan nabadgelyada dadka suurtogeliyaana in dadka ku dhaqan degaanadan ay qeyb ka qaataan sugida iyo jiritaanka nabadgelyada. Tani macnaheedu waa in ay hay’adaha nabadgelyada ku shaqada leh ay ku dadaalaan sidii ay wada shaqeyn u dhex mari laheyd Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed iyagoo xaqiiijinaya in ay la xisaabtamaan cid kastaa oo khal-khal gelineysa ammaanka si loo soo celiyo kalsoonidi ay shacabka ku qabeen xukuumaddooda.

Waxaan kaloo rabnaa in aan fursadan uga faa’iideysano in aan si weyn u dhaleeceyno dhammaan kuwa ka tirsan xoogaga ammaanka iyo ciidamada AMISOM ee u geysanaya kufsiga iyo xad gudubyada haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed. Arrimahan waa kuwo aan loo dulqaadan Karin. Waxaana ugu baaqeynaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo waliba beesha caalamka in ay mudnaan gaar ah siiyaan arinkan ayna qaataan talaabooyinka ku habboon sidii loo joojin lahaa falalkan foosha xun.

Gabbagabada iyo gunaanadka

Baaqenaan waa mid ku salaysan in umadda Soomaaliyeed guud ahaan hesho dowlad cadaalad ah iyo nidaam loo siman yahay oo ka kooban: 1) in la xaqiijiyo geedi-socodka lagu hirgelinayo nidaamka Federaalka in uu ku saleysanaado xaqiiqda dhabta ah iyo in uu ahaadaa mid ay qeyb weyn ku yeeshaan dadka Soomaaliyeed uusan noqon mid kor laga keenay, 2) in la gaaro doorasho xur ah iyadoo la sameynayo tiro koob rasmi ah si loo xaqiijiyo awood qeybsi xalaal ah, 3) in si cad loo kala saaro Villa Soomaaliya (oo loo tixgelinayo xarun ay maamusho Dowladda Federaalka) iyo gobolka Benaadir intiisa kale si loo xaqiijiyo in dadka degan gobolkan ay helaan xuquuq la mid ah kuwa ay helayaan dadka kale ayna u helaan qeybta kaga aadan geedi-socodka dhisida nidaamka federaaliga ah, 4) Dowlad goboleedyada la unkaayo waa in ay ku saleysnaadaan taariikhda soo jireenka ah ee ka dhexeysa dastuurkana uu aas-aas u ahaadaa, 5) waa in la xoojiyaa xaalada ammaan iyadoo la kaashanaayo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaan intan aan kor ku soo xusnay waa in lagu gaaraa wada tashi iyo is-xaq dowr iyo waliba kalsoonida shacabka. Nidaamka Federaalka waa in loo unkaa hab keeni kara nabadgalyo iyo xasilooni waarta si loo xaqiijiyo loona soo celiyo rajooyinka, riyooyinka iyo hammiga dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Dhammaad.

Banadir Youth Leadership Circle
daudjimale@gmail.com