Fahad Yaasiin oo si lama filaan ah ku yimid Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad qaas ah ay saakay xiligii hore garoonka diyaaraddaha Muqdisho kasoo dejisay Agaasimihii hore ee NISA oo ra’iisul wasaare Rooble xilka ka qaaday.

Diyaarad gaar ah oo ka timid dalka Turkiga lana socdeen xubno uu hoggaaminayay Fahad Yaasin ayaa soo caga dhigatay garoonka Muqdisho waaberigii saakay, halkaasi oo ay ku sugayeen ciidamo gaar ah oo usoo galbiyay dhinaca madaxtooyada.

Imaanshaha Fahad Yaasiin iyo xubnaha la socday ayaa ahaa mid qarsoodu ah oo aysan ka war qabin xubnaha xafiiska ra’iisul wasaaraha oo horay u xayiray in diyaarad sida aysan soo caga dhigan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaraddaha Jabuuti 17-ka bishan xili uu kusoo jeeday Muqdisho, iyadoo diyaaraddii uu saarnaa ee Turkish Airline ay diiday inay u socdaasho Muqdisho, dibna ugu laabatay magaalada Turkiga oo ay kasoo kicintay.

Xafiiska madaxweynaha mudo xileedkiisa dhaamaday ayaa tallaabadaasi ku eedeyay dowladda Jabuuti oo la fahansan yahay inaysan wax shaqo ah ku laheyn, balse hay’adda duulista Somalia uu amarkaasi kasoo baxay iyadoo tixgelineysay amar ugu yimid xukuumadda.

Fahad Yaasiin oo saaxiibkiis Farmaajo xil ka qaadistiisa kadib u magacaabay la-taliyihiisa amniga ayaa la filayay inuu ka qeybgalo shirkii golaha amniga ee uu ku baaqay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaayay si uu ugu soo bandhigo xog ku saabsan marxuumad Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo Fahad Yaasiin iyo saraakiil ka tirsan NISA iyo madaxtooyada balse dib loo dhigay markii Fahad Yaasiin 18-kii bisha lagu celiyey Jabuuti, oo uu Muqdisho iman waayey, kadibna dib ugu laabtay Istanbul.

Illaa hadda lama oga in wada ogolaansha uu ku yimid Muqdisho Fahad Yaasiin iyo in kale, base waxy u eg tahay inuu si dhuumaaleysi iyo ka war qab la’aan uu kusoo gaaray Muqdisho. Waxaana la sugayaa saacadaha soo socda war hor leh oo cusub.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada News