Daawo: Macallinkii Farmaajo oo ka hadlay hab maamulkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Darbo Weyne oo sheegay inuu macalin u ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku dhaliilay hab maamulkiisa iyo in uu jeebka kala soo baxay dhaqan qaab daran, xilli ay ka dhamaaday afartii sano ee la doortay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wax badan ka xishoonayo, si dalka aysan uga dhicin dagaal hor leh, isagoona ku taliyey in lagu ixtiraamo oo looga dambeeyo arrimaha dalka, xiliga kala guurka.

“Ninka la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dhumiyay ninkii ka horeeyay Rooble, ninkastana in sidaas uga aamusayo ayuu u maleynayey, Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay muu dhihin hal berri dadkayga waxaas ma istaagan,” ayuu yiri.

“Waxaa kula dar-daarma (Ra’iisul Wasaare Rooble) hunguri meesha kuma keenin, waxaa ku keenay sharaf iyo in aad bad-baadiso umaddan, maanta sharaf waa ku taagan tahay ha ka leexan.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba xaqeeda la duudsiin karo Ikraan Tahliil, oo kiiskeeda ay si weyn ugu kala fogaadeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha oo lala qaato nabada iyo maslaxa uu wado, si doorasho loo gaarsiiyo dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka