Dowlada Mareykanka oo soo saartay digniin culus oo ku socota Farmaajo iyo Rooble

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray uga digay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

“Iskaashiga hogaamiyayaasha Soomaalida – gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble – wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta in dalka uu si deg deg ah usoo geba-gebeeyo hanaanka doorashada ee socda,” ayuu yiri Blinken.

“Muranka hadda u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis u yahay inuu adkeeyo hanaankan, wuxuuna u baahan yahay in loo xaliyo si deg deg oo nabad ah,” ayuu ku daray. 

Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay soo dhoweyneyso ballan-qaadka labada mas’uul ee ku aadan hanaanka doorashada, hase yeeshee ay ka walaacsan tahay in doorashada ay mar horeba dhowr bil dib uga dhacday jadwalkeeda.

“Dib u dhac kale oo dheeri ah wuxuu sare u qaadayaa suurta-galnimada rabshado, wuxuuna fursad siinayaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah ee raadinaya inay dalka ka abuuraan xasillooni darro,” ayuu yiri Blinken. 

Blinken ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay ka fogaadaan soo saarista qoraallo kale oo dareen kicin ah ama ay qataan ficillo xasarad abuur ah, ayna khilaafyadooda ku aadaan magacaabista xilalka ku xaliyaan si nabad ah.

“Doorashooyinka oo deg deg loo soo geba-gebeeyo waxay gacan ka gaysan doonaan horumarinta ajendaha ka hor-tagga argagixisanimada Soomaaliya, waxayna dowladda xigta siin doonaan fursad ay wax uga qabato baahida shacabka Soomaaliyeed. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ma mudna wax intaas ka yar,” ayuu yiri.