Daawo: Sarkaal soo jeediyey arrin la xiriirta xaasaska Al-Shabaab oo muran dhalisay

Buulo-Burde (Caasimada Online) – Kadib markii maalin ka hor ay Al-Shabaab qarxiyeen garoonka diyaaradaha magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa shalay shir jaraa’id qabtay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Buulo-Burde.

Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Muumin Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag ugu dhaartay dadka gabaadka siiya kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan caruurta iyo xaasaska kooxda, isagoo ka careysan tallaabadii ay ku burburyeen dhismihii garoonka diyaaradaha.

Laba maalmood ka hor ayaa xarigga laga jaray dhismaha ay Al-Shabaab qaraxa ku burburiyeen, kaas oo loogu tala galay in loogu adeego dadka ka duulaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka magaalada go’doonsan ee Buulo-Burde.

Abaandulaaha oo aad u careysnaa ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan guryaha amiirada Al-Shabaab ee ku dhex yaalla magaalada iyo meel kasta oo ay dhisme ama hooy ku leeyihiin Al-Shabaab.

“Kuwa garoonka qarxiyey waa Shabaab ka soo jeeda magaaladaan Buulo-Burde, ciidanku waxay amar u qabaan inay guryaha ay dagan yihiin ku gubaan caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab, meel kastana waan uga daba tageynaa,” ayuu yiri Maxamed Muumin Cilmi.

Waxuu sheegay inay yaqaanaan guryaha ay caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab ka deegan yihiin magaalada oo aysan waxaba u geysan jirin, balse hadda kadib ay gubi doonaan.

“Waxay doonayaan inay indhaha ka ridaan dadka Soomaaliyeed, war guryihiina waan garaneynaa halkey magaalada uga yaallaan, war ilmihiina Buuloburde ayey degan yihiin waana ku dhaqaaleynaa, war waxaad burburineysaan waa guryihii ay wada laheed umadda Soomaaliyeed, taasna idinka yeeli meynee guryihiina iyo buushashkiina ayaan dabada Taraq uga soo qabaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Muumin Cilmi Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka daawo