Ku dhawaaqista xukunka ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya – Tallaabooyinka xigi kara iyo filashada Somalia (Warbixin)

Sida caadiga ah Maxkamadda markii ay gebo-gabayso dhagaysiga Dacwadda waxa ay gashaa showr ay kaga doodayso Kiiska hor-yaalo “deliberations”, marka ay Garsoorayaasha u codeeyaan cod aqlabiyad ah ama go’aan kali kali ah hadba sida ay u dhacdo codaynta sida ay jideenayaan Qodobada 55, 57 Xeerka Maxkamadda ICJ iyo Qodobka 95/2 Xeer hoosadka Maxkamadda ICJ (rules of court, 1978), waxa uu farayaa Xeerka in la xadido ku dhawaaqista fadhi furan ama xiran marka ay jiraan xalado, laguna war-galiyaa dhinacyada Wakiiladoodo in lagu dhawaaqayo Dacwadda sida ku xusan Q. 94/1-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda “rules of court, 1978” iyo Qodobka 58-aad ee Xeerka Maxkamadda “ICJ STATUTE”.

Sida uu xaqiijiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed Maxkamadda waxay ku war-galisay dhinacyada in ay xukun kasoo saari doonto 12 October 2021, taas oo ka dhigan sida ay jidaynayaan qodobadaas in lagu dhawaaqayo Xukunkii Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, lana soo dhameeyey.

Awoodda Xukunka ICJ

Xukunka Maxkamadda ICJ kasoo baxaa waxuu qasab ku yahay dhinacyada uu ku soo baxay in ay u hoggaansamaan, sida ku cad Qodobka 59-aad Xeerka Maxkamadda iyo Qodobka 94/2-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda, haddii dhinaca laga guulaystay si iskiis ah u fulin waayo waxaa loo gudbinayaa Golaha Amaanka QM si uu uga-qaado Tallaabooyin amni sida ku cad Q. 94/2-aad ee Cahdiga Qaramada Midoobay.

Mar hadii lagu dhawaaqo xukunka ICJ, dib maloo furi karaa mar kale?.

Xukunka Maxkamadda ICJ waa mid Kama dambays ah, mana leh rafcaan sida ku cad Q. 60/1-aad ee Xeerka Maxkamadda balse waa dhici kato xaalado kooban oo dib-loo furi karo, Waxaa kamid ah xaaladahaas;

1- Marka uu ka yimaado dhinac codsi la xariiro Fasiraada xukunka ““Requests for the Interpretation“ ama codsi fasiraad baaxadia xukunka “scope of the judgment “.

Marka dhinaca wax codsaday uu soo gudbiyo meelaha uu rabo in la fasiro ama la cadeeyo dhinaca kale waxa uu xaq u leeyahay in uu kasoo jawaabo, waxaa nidaminayo Q. 98-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda

2- Waxaa kale oo dhinaca qasaaray uu dalban karaa dib- u eegis in lagu sameeyo xukunka haddii uu helo xaqiiqooyin cusub oo wax-karatayo Dacwadda kana maqnayd, taas oo aan ku dhicin gaabis dhankiisa ah, waana in lagu dalbadaa 6-bilood gudahood, waxaana dib loo furi karaa Dacwadda, sida ay nidaaminayaan Q. 61-aad ee Xeerka Maxkamadda iyo Q. 99-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda.

3- Haddii ay jiraan wax-kabadalo ama ku daris ay dhinacyada isku raacansyihiin una soo gudbiyaan Maxkamadda maxkamadda waxay leedahay tix-galin marka laga reebo xaalado koobaan “MODIFICATIONS PROPOSED BY THE PARTIES “ sida uu Nidaaminayo Q. 101-aad ee Xeer-hosaadka Maxkamadda.

Maxay Soomaaliya filanaysa maxkamadda ICJ?

Dooda Soomaaliya ee qaabka Xaddeynta badda ee ku salaysan “Equidistance principle” waa mid wafaqsan Heshiiska Caalamiga ee badaha, The United Nations Convention on the Law of the Sea “UNCLOS 1982” iyo Xeerarka badda Soomaaliya Xeer n. 37, 1972-dii, Xeer N. 5, 1989-kii iyo Xeerarka badda Kenya ” Territorial Waters Act 1972, Act No. 2 of 1972), “The Maritime Zones Act, 1989”.

Sidaas darteed waxay ka qabtaa rajo wayn in Maxkamadda ay taageeri doonto doodeeda, waxaa kale oon badnayn in ay dalbato Kenya Dib u eegis maadama aysan jirin xaqiiqooyin maqanan oo la ogyahay, horeyna ay isu difaaci waysay, balse way dhici kartaa in ay codsi fasiraad dalbato.

W/Q. Cali Sheekh Aadan Yusuf  “Cali Somali”.
Calisomali400@gmail.com