Sawirro: Muxuu Guudlaawe kala hadlay Senatarada lagu doortay magaalada Jowhar?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Senatarada cusub ee dhowaan lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka oo ahaa mid isugu jiray casho sharaf iyo soo dhoweyn ayaa waxaa loo qabtay lixda Senatar ee illaa iyo hadda kusoo baxay doorashooyinkii ka dhacay Jowhar, waxaana sidoo kale madasha goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed.

Cali Guudlaawe oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa Senatada cusub ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen, wuxuuna shaaca ka qaaday inay hortaallo shaqo adag.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inay u istaagaan wax u qabashada bulshada reer HirShabelle iyo midnimadooda.

“Waxaan ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen waxaana kula dardaarmay inay u shaqeeyaan bulshada Hirshabeelle kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay kulankaasi.

Dhankooda xubnaha Senatarada cusub oo ay ka mid ahaayeen Muuse Suudi iyo Dr Dufle oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey madaxda HirShabelle, sida hufan ee ay u qabteen doorashada Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya maamulkaasi.

Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa haatan hakad-gashay, waxaana harsan illaa laba kursi oo kale oo mid ka mid ah uu dhowaan hareeyey buuq xoogan.