Daawo: 60 jir u dhashay Congo oo shaqo u jooga Muqdisho oo maanta Islaamay

Muqdisho (Caasimada Online) – 60-sano Jir lagu magacaabo Powell oo u dhashay dalka Congo, kana tirsan Shaqaalaha Shirkadda UBC Coca Cola ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay Diinta Islaamka, kadib dhowr sano oo uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Xaflad loogu dhigay magaalada Muqdisho ayuu Powell ku sheegay inuu qaatay Diinteenna suuban ee Islaamka, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid ku qasabtay qaadashada Diinta Islaamka oo isagu uu go’aankaas gaaray.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa anigoo magaceyga cusub uu yahay Jabriil, inaan muslim ahay oo qofna uusan igu qasbin inaan Muslimo, waa go’aan aan kaligey soo gaaray, waxaan idinka codsanayaa inaad igu caawisaan inaan Diinta sii barto, si aan markaan dalkeyga ku laabto Diinta Islaamka u sii faafiyo,” ayuu yiri Jabriil.

“Waxaan aaminsanahay inuu Alle iisoo diray Soomaaliya, si aan u muslimo, xoogaa ayaan hadda Diinta ka fahamsanahay,” ayuu sii raaciyey.

Jabriil ayaa Xafladdaan oo lagu qabtay Xarunta UBC Coca Cola ka sheegay in qoyskiisa uu kaliya muslim ka yahay Ibraahim jabriil oo ah wiilka ilmihiisa ugu weyn.

Jabriil oo u dhashay dalka Kongo ayaa xafladaas ka sheegay in Diinta Islaamka ay bartay qadarin iyo in dadka loo mahad-celiyo.

“Waxay Diinta Islaamka ii horseeday isbadal, qalbiga ayey ii dajisay, nolosheyda waxaa ku yimid isbadal, horay uma aheyn qof muslim ah, inkastoo uu wiilkeyga ahaa Muslim, sidaas ayaan kusoo barbaaray, waxaan qadarinayaa qof walba oo Muslim ah,” ayuu yiri Jabriil.

Maamulaha guud ee Shirkadda UBC Coca Cola Cawil Tooxow Kheyre oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Jabriil uu shaqada shirkadda kusoo biiray sanadki 2014-kii xilligaas oo uu heystay Diinta Karishtaanka ah, balse hadda isagoo weli ka tirsan isla shirkadda uu go’aansaday inuu Islaamo.

Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo ka qeybgashay xafladda ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid mudan in lasoo dhaweeyo, waxayna u rajeeyeen Jabriil inuu dhinto isagoo heysta Diinta Islaamka.

Hoos ka daawo warbixin