Dhex-dhexaadintii Farmaajo iyo Rooble oo xalay dib loo billaabay iyo xog ku saabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhex-dhexaadintii laga dhex-waday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xalay dib u billaabmay, ayada oo isku dayayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda federaalka.

Dhinacyadan ayaa marka hore la kulmay madaxweyne Farmaajo, ayaga oo dhageystay waxa uu doonayo iyo qodobada uu ka tanaasuli karo, si heshiis loo gaaro. 

Kulanka Farmaajo kadib ayaa dhinacyada waxay haddana la kulmeen ra’iisul wasarae Rooble, ayada oo markii dambe ay guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoor Qoor ay ku hareen ra’iisul wasaare Rooble.

Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga gaaro.

Waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro, maadaama qodobada la isku hayo ay yihiin kuwa aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday.

Waxaa si gaar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Farmaajo uu doonayo in la baabi’iyo. Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tanaasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wasiirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si toos ah u shaqeeya.