Wararkii ugu dambeeyey ee isku dayka afgambi ee Sudan

Khartuum (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dalkaasi ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah.

Koox ka tirsan tirsan millitariga Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay gabi ahaan la wareegaan talada dalkaasi oo dhan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas’uuliyiin haatan ka tirsan dowladda ka talisa Suudaan ay qeyb ka ahaayeen afgambiga dhicisoobay.

Qoraal kooban oo ay dowladdu ka soo saartay dhacdadaasi ayaa waxaa dadka reer Suudaan loogu baaqay inay isku soo baxaan, si loo difaaco dalka.

“Waxaa fashilmay isku day afgambi, dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale golaha haya talada dalka Suudaan ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen ciidamada sameeyey isku dayga afgambi, ayna haatan gacanta ku hayaan dalka.

Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay in la xiray illaa 40 sarkaal oo la sheegay inay hormuud u ahaayeen afgambiga dhicisoobay, kuwaas oo isku dayey inay marka hore beegsadaan xarunta taliska ciidamada ee dalka Suudaan, Idaacadda iyo Telefishinka qaranka dalkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah Suudaan lagu arkayaa ciidamo oo badan lagu soo daadiyey waddooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii.