Maxay ka dhigan tahay Imaanshaha Fahad Yaasiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka aroortii soo gaaray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

Fahad Yaasiin ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey saraakiil sar sare oo ku dhow dhow Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha, waxaana sidoo kale garoonka diyaaradaha ka soo galbiyey ciidamo gaar ah oo geeyey xarunta madaxtooyada.

Haddaba maxay ka dhigan tahay Imaanshaha Fahad Yaasiin?

Maxamuud Cumar oo ah falanqeeye siyaasadeed, sidoo kalena ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ayaa ka hadlay imaatinka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku soo aaday, xilli adag oo hadane xasaasi ah.

Falanqeeye Maxamuud Cumar ayaa shaaca ka qaaday in imaanshaha Fahad ay macno weyn u tahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, dhanka kalena ay walaac ku tahay ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, sida uu hadalka u dhigay.

“Imaanshaha Fahad Yaasiin waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu yiri  Maxamuud Cumar.

Qorshaha Fahad Yaasiin ayaa ah in shirka golaha amniga qaranka uu ku soo bandhigo warbixin la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, balse shirka ayaa dib u dhacay, kadib markii diyaaraddii sidday 17-kii bishan laga celiyey garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Jabuuti.

Si kastaba, la-taliyaha amniga qaranka ayaa waxaa haatan ay si weyn isku hayaan ra’iisul wasaaraha oo horay uga qaaday xilka agaasimaha hay’adda NISA, kadib markii uu soo shaac-baxay warka sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax.