CALI YARE CALI oo si la yaab leh uga hadlay imaanshaha Fahad Yaasiin ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadirm Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa si la yaab-leh uga hadlay safarka la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Cali Yare oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa shaaca ka qaaday in muddo kadib uu saaka aroortii hore dalka dib ugu soo laabtay Fahad Yaasiin oo ay wehliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna tilmaamay in howlo shaqo ay u joogeen dalka dibadiisa.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir, sidoo kalena ka mid ah xubnaha aadka u taageero madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa tilmaamay in xilli munaasab ah, isla-markaana aad la wada sugayey Fahad uu dib ugu soo laabtay dalka.

Sidoo kale Cali Yare oo hadalkiisa ayaa intaasi kus ii daray in ay maanta uga dhigan tahay maalin aad u weyn oo farxad-leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Xilli munaasab ah oo runtii la wada sugayo oo baahi weyn loo qabo fir-fircoonidiisii, kartidiisii, talooyinkiisii iyo saameyntiisii, intaas oo dhan marka la’isku daro waxaan oran karaa maanta waa maalin weyn,” ayuu yiri Cali Yare.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay Cali Yare in tallabada xigta ay noqon doonto in la fuliyo awaamiirta kasoo baxda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan khilaaf uu kala dhexeeyo Ra’iisul wasaaraha.

“Talaabada xigta waxa ay noqoneysaa waddadii madaxweynuhu falo iyo awaamiirta madaxweynuhu bixiyo wadada koowaad ee la qaadaayo ayey noqon doontaa” ayuu  raaciyey.

Si kastaba, muddooyinkii la soo dhaafay Cali Yare ayaa weeraro dhanka afka ah si toos ugu qaadayey ra’iisul wasaaraha, isaga oo taageero weyn u muujinayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday oo uu qeyb ka ahaa ololihiisii doorashada ee sanadkii 2017-kii.