FBI-da oo gashay guriga madaxweyne Donald Trump

Palm Beach (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan FBI-da ay “galeen” gurigiisa Mar-A-Lago, taasi oo uu ugu yeeray “ficil dhaqan xumo ah oo dacwad kusoo oogis.”

“Tani waxay qarankeena u tahay waqti madow, maadaama qasrigayga quruxda badan ee Mar-A-Lago ee magaalada Palm Beach ee gobolka Florida ay waqtigan haystaan, oo ay soo weerareen koox tiro badan oo ka tirsan FBI-da,” ayuu Trump ku yiri war-saxaafadeed uu soo dhigay barta bulshada ee Truth Social.

“Waa ficil dhaqan xumo oo dacwad kusoo oogis ah, in hub ahaan loo adeegsado nidaamka cadaaladda, iyo weerarka ka yimid Xagjiriinta Bidixda ee Dimoqraadiga oo si quus ah aan u dooneyn inaan madaxweyne u ordo 2024,” ayuu yiri Trump. 

Weli ma cadda xaaladda ku hareereysan baaritaanka ka socda qarsiga Trump. Hase yeeshee, ilo-wareedyo ka tirsan FBI-da ayaa xaqiijiyey inay baaritaan ka fuliyeen guriga Mareykanka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in FBI-da ay haysteen waaran u ogolaanayo inay baaritaan ka fuliyaan guriga Trump.

Afhayeen u hadashay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Dena Iverson ayaa sheegtay in hay’adda aysan wax faallo ah bixineyn mar la weydiiyey haddii Xeer-ilaaliyaha Qaranka Merrick Garland uu amray baaritaanka.

“Kadib markii aan la shaqeeyey hay’adda dowladda ee ay quseyso, weerarkan aan horey loogu dhowaaqin ee lagu soo qaaday gurigayga ma ahayn lagama maarmaan iyo mid habboon,” ayuu yiri Trump. 

Baaritaanka ayaa imanaya ayada oo Trump uu isku diyaarinayo inuu mar kale dhidibbada u aaso isku day uu xilka madaxweyne ugu ordayo 2024.

Waaxda Cadaaladda ayaa baareysay kartoono dokumentiyo sir ah oo Trump uu u qaatay Mar-a-Lago kadib markii madaxtinimadiisa ay dhammaatay. 

Arrintan ayaa waxaa Waaxda Cadaaladda ku wargeliyey Maamulka Qaran ee Keydka iyo Diiwaanka, oo sheegay inuu helay 15 kartoon oo sir ay ku jirtay oo la geeyey halka uu degan yahay Trump.

Sharciga federaalka Mareykanka ayaa diidaya in dokumentiyada sirta ah la geeyo meelo aan la ansixin, inkasta oo Trump ku doodi karo, in maadaama uu madaxweyne ahaa, uu yahay qofka ugu dambeeya ee dokumentiyada ka dhigi karay kuwa aan sir aheyn. 

Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa werisay in baaritaanka FBI-da uu la xiriiro arrintaas. 

Trump ayaa sidoo kale wajahayey baaritaan la xiriira suurta-galnimada kaalintii uu ku lahaa weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka Mareykanka, halkaasi oo ay galeen dibad-baxayaal ka mid ahaa taageerayaashiisa.