25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Firdhiye iyo Cabdirisaaq Khaliif oo isugu soo haray doorashada Waqooyi Bari

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay tirinta coadka wareegga 1-aad ee doorashada maamulka Waqooyi Bari, waxaana codadka la dhiibtay illaa iyo hadda ku horreeyo Madaxweynaha hadda talada haya Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye).

Sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka Fidhiye oo wareeggan hoggaaminayo ayaa helay 36 cod, halka musharraxa labaad uu noqday Cabdirisaaq Khaliif oo isna helay 20 cod.

Wareegga koowaad waxaa ku haray saddexda musharrax ee kala ah Jamaal Maxamed  Xasan oo helay 15 cod, Cabdirashiid Macallin Faarax oo helay 4 cod iyo Maxamuud Yuusuf Xasan oo isna helay 8 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa waxaana la guda galay doorashada wareegga labaad oo lagu kala saari doono Firdhiye iyo Khaliif oo ninka soo baxa uu hoggaamin doono maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kadib kusii xigi doonto doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka, waxaana ku tartami doono 5 musharraxa oo kale, kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cumar Daahir Xasan, Cabdirisaaq Maxame Jaamac, Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar (Dhagacadde) iyo Maxamed Cabdi Bulaale.

Dhinaca kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo xalay bandow xooggan lagu soo rogay guud ahaan Laascaanood, inta ay socoto doorashada, si loo sugo amniga guud.

Ciidamada ayaa sidoo kale isku wareejiyay goobta ay ka dhaceyso doorashada iyo waddooyinka muhiimka ah, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada.

- Advertisement -

Read more

Local News