Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo wareegto soo saaray ayaa maanta xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Kaaraan Faarax Cadaani Maxamed, isaga oo u magacaabay guddoomiye cusub.
Muungaab ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan u magacaabay Mudane Maxamuud Cabdullaahi Cumar oo la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilka.
Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub ayaa kula dardaarmay in uu mudnaan siiyo Harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.
Xilka qaadista guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhalisay fal-celin xooggan, iyada oo Faarax Cadaani si aad ah loogu amaanay shaqadii uu ka qabtay degmada Kaaraan oo ay ugu horreyso xagga bilicda, dhismaha jidadka iyo ammaanka guud ee degmada.
Horay Muungaab ayaan sidaan oo kale xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo soo magacaabay kuwa kale oo cusub, waxaana ugu dambeeyay guddoomiyihii degmada Daarusalaam oo lagu beddalay Mire Salaad Dhuxulow oo isna horay loogasoo qaaday xilka guddoomiyaha degmada Heliwaa oo uu haayay muddo afar sano oo xiriir ah.
Isbeddellladan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad ah oo uu wado Muungaab, waxaana tan markii la magacaabay xilalkii uu ka qaaday madaxdii ugu badneyd ee gobolka Banaadir.
Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa muddooyinka si dardar leh u shaqeynayey, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.
Waxaa kale oo intaas usii dheer dhismaha waddooyinka iyo bilic soo celinta caasimada oo uu u qaaday tallaabooyinkii loo baahnaa, tan iyo markii uu yimid xafiiska.

