Hay’adda Nabad-Sugida oo warsaxaafadeed aad loola yaabay kasoo saartay xariga Universal TV

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabadsugidda Qaranka (NISA) Ayaa soo saartay war saxaafadeed ku aadan xariga wariyeyaasha iyo xaruntii Universal TV ee Muqdisho

Warsaxaafadeedka ayey ha’yadda Nabadsugida ku tilmaantay in TV Universal iyo Wariyeyaasha xiranba aay yihiin ARGAGIXISO, iyadoo markaa ku sifeysay in uu TV Universal tahay goob caadeysatay meel lagu baado hay’adaha dowldda, lagu sumcad dilo madaxda dastuuriga ah ee Dalka, lagu abuuro xasilooni darro Amni iyo mid siyaasadeed, lagu rajo tiro shacabka laguna hanjabiyo, ha is weydiinina sababta Tallaabo sharci ah looga qaaday ee is weydiiya sababta ay falalkaas gurracan u geysanayaan.

Caasimada Online ayaa horay u qortay in Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Cabdullaahi Kulmiye loo haysto falal argagiso

Halkan ka akhri

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/10/War-saxaafadeed1.pdf”]