Daawo sawirrada ajnabigii Isku gubay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii shalay magaalada Hargeysa isku gubay ruux Ajnabi ah kana mid ahaa qaxootigii kasoo cararay dagaalada ka dhacay dalka Yemen, kadib culeesyo badan oo dhanka nolosha oo soo wajahay.

Warbaahinta VOA ayaa sawiro kasoo qaaday ruuxa Yemeniga ee isku gubay magaalada Hargeysa, waxaana sawirada ka muuqanayay Jihaad Maxamed oo ka guban qaarka hoose ee jirkiisa.

Xaalada Jihaad Maxamed ayaa u muuqata iney wanaagsan tahay waxaana lagu dabiibaya isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana dhaqaatiirta sheegeen iney ku dadaalayaa  Jihaad.

Hoos ka daawo sawirada.

Jihaad Jihaad1 Jihaad2

Xuquuqda Sawirrada Waxaa leh VOA