Suxufiyiin: U Sacaba tuma DF ama yameey yam!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli Xasaasi u ah Suxufiyiinta iyo Saxaafadda ayaa haatan laga dareemayaa guud ahaan Somalia, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Dooxato shaarka Dowladnimo huwan ayaana doonaya inay Afka qabtaan Saxaafadda Madaxa Bannaan iyo Neecawda Dimuqraadiyadda.

Shaqsiyaadka daaha gadaashiisa amar ka soo siinayo Ciiddanka Ammaanka, siiba kuwa Hay’adda NISA ayaa waxay yihiin kuwo ku-takrifala Awood Maamul iyo Xafiis ee lagu aaminay, isla markaana ay u muuqdaan kuwo Majlis Sare laga soo diray.

Wasaaradda Warfaafinta oo ay Sharci ahaan Hoostagaan Warbaahinta, isla markaana bixisa Fasaxa Laysinka Warbaahinta ayaa haatan u muuqata mid aan ku dhiiran karin inay wax u qabtaan Suxufiyiinta Dulman ee sidii Xoolihii loo xabisayo.

Dhacdada ugu dambeysay ee Weji-gabaxa ku ah Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federalka ayaa ah Tallaabadii ay Ciiddanka Nabadsugidda ku xireen Labo Saxafi oo ka tirsan Xafiiska Telefishinka Universal ee magaalladda Muqdisho.

Xarigaas aan loo maydaan dayin ayaa waxaa lagula kacay Madaxa Univrsal Tv ee Bariga Afrika, Abdullahi Hersi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad oo ah Barnaamij-soo-saaraha Barnaamijka Toddobaadlaha ee Dood Wadaag.

Ciiddan ka tirsan Hay’adda NISA ayaa lagu amray inay Jimcihii la soo dhaafay (October 2-da) soo xiraan Labadaasi Saxafi, waxayna albaabka u laabeen Xafiiska Universal Tv ee magaalladda Muqdisho.

Ilaa iyo haatan Hay’addaha Ammaanka wax faahfaahin ah kama bixinin Tacadigaasi, iyadoo ay labada Weriye weli ku xiran yihiin God Jilicow oo aan ka fogeyn Villa Somalia.

Saraakiisha NISA ee amarka bixiyey ayaa la sheegay inay qoonsadaan Barnaamijka Dood-wadaag (Debate Programe) ee bishan October 1-dii ka baxay Universal TV, kaasi oo lagu marti-qaaday Labo Xildhibaano oo ka tirsan Barlamaanka Federalka.

Barnaamijkaasi oo si Toos (Live) uga baxayey Xarunta Universal Tv ee Muqdisho ayaa waxaa lagu wareystay Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Barlamaanka Federalka, Xildhibaan Abdi Hashi Abdullahi iyo Ra’isul-wasaarihii Dowladdii KMG, Xildhibaan Mohamed Abdi Yusuf.

Xildhibaanaddaasi waxay si kulul u naqdiyeen Joogitaanka Ciiddanka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Federalka Ethiopia, waxayna si mutuxan ugu sheegeen Barnaamijkaasi inuu dalka Somalia gumeysi ku jiro, loona baahan yahay in la iska xorreeyo, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Inkastoo Aragti-dhiibashaddu qeyb ka tahay Xorriyadda Hadalka, haddana waxay Hay’adda NISA door bideen inay xiraan Weriyihii Barnaamijka waday, Cawil Daahir iyo Madaxa Univrsal Tv ee Bariga Afrika, Abdullahi Hersi Kulmiye.

Xarigaasi waxay Dowladda Federalka ku muteysatay Cambaarayn Caalami ah iyo in lagu asteeyo Dowlad caburin ku haysa Xorriyadda Hadalka iyo inuusan qof kasta cabiri karin Aragtidiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Suxufiyiinta Madaxa Bannaan waxaa la gudboon inay qaataan Go’aan Mideysan oo ay kaga dhiidhinayaan Caburintaasi iyo Xabsiga lagu hayo Suxufiyiinta naqdisa Siyaasadda iyo Waaqiciga Taagan.

Markaynu isku soo duubno, Suxufiyiin waxaa inoo furan labo Jid:

1 Inaan u sacab tuno Xadgudubyadda Dowladda Federalka, ama

2- Inaan ka aamusno Buunbuuninta Hay’adaha caburiya Saxaafadda, illayn Af daboolan Dahab baa la yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com