Xog-waran: Muxuu kali-taliska Xasan Sheekh uu sanka ula raacayaa warbaahinta madaxa banaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib-u-soo-kabashadda Nidaamka Dowladnimo ayaa waxa ku hor-gudban Keli-Talsinimo iyo Caburin ay qaar ka mid ah Madaxda Hay’addaha Ammaanka Qaranka isku muujinayaan inay iyagu yihiin kuwa ay Talada ka go’do si loo aamusiyo, loona xiro Suxufiyiinta iyo Dhismooyinka Warbaahineed.

Madaxda Hay’addaha Ammaanka waxaa xubno ka ah kuwo doonaya inay Sumcad-xumo u keenaan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo Nidaam aan Dowli ah u maareynin Jadwalkooda Shaqo.

Dabeecad Shaqo oo Dowli ah ayaa hogga tusaaleeya Hay’addaha Ammaanka, balse Sifooyinka Shaqo ee loo dhidbay kuma koobna, waxayna si awood sheegasho iyo Faragelin u fuliyaan Hawlaha loo idmaday Hay’addaha kale ee Rayidka.

Ruuxaan Siyaasadeed iyo Weji-gabax ayaana laga dhaxlay Tacadiyadda ay Hay’addaha Ammaanka ku hayaan Nidaamka Dimuquraadiga ee curdanka u ah Meertadda Nolosha Dowladnimo ee Somalia.

Waxayna Dowladda Federaalka ku fashilantay Barbaarinta Dimuquraadiyadda, Dhowrista Nolosha Muwaadiniinta, Xoojinta Adeegyadda ee Hay’addaha Bulshadda, Garsoorka, Hab-dhaqanka Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyatul-qoolka.

Dabeecad Keli-talisnimo, Caburin, Xabsi, Jirdil iyo Awood Sheegasho ayeyna Hay’addaha Ammaanka ku caan baxeen, waxayna Gacmaha ku qaateen Sharciga Qaranka, waxayna argagax ku hayaan Bulshadda, gaar ahaan Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinadda Madaxa Bannaan.

Saraakiisha Sare iyo kuwa Dhexe ee Sharciga Gacmaha ku qaatay ayaana loo baahan yahay in Toosha lagu iftiimiyo iyo in laga hortago Tacadiyadda iyo Awood-sheegashadda ee ay Ummadda kula kacaan.

Xabsiyadaha Hay’addaha Ammaanka ayaana ah goobaha lagu silciyeeyo, lagu jirdilo Suxufiyiinta, waxaana Xaalladda Xabsiyaddaasi, siiba Godka Jilicow si faahfaahsan uga hadlay Weriyayaasha loo xiray, kuwaasi oo badankooda ka dayriyey Ciqaabta lagula kaco Suxufiyiinta lagu xiro Xabsigaasi.

Waa hubaal in wax badan la iska weydiiyo Tacadiyadda iyo Xariga aan Sharciyeysan ee lala beegsado Saxaafadda Madaxa Bannaan, laakiinse Suxufiyiinta ma haystaan Gacan Dowlad oo ka waabin kartaTacadiyadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa habboon in raad-raacyo dhab ah lagu sameeyo Saraakiisha sida gaarka ah uga dambeysay Caburintaasi iyo Ujeedada Dahsoon ee ay ka leeyihiin, waxaana hubaal ah inaysan Dimuquuraadiyad ka jiri karin Somalia inta ay socoto Caburinta lagu hayo Saxaafadda Madaxa Bannaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com