25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Hoobiyayaal lagu garaacay Muqdisho & dad ku…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Waxaa magaalada Muqdisho Caawa laga maqlay Hoobiyayaal dhowr ah oo aan la garaneynin halka laga soo tuuray iyo halka ay intooda badan ku dhaceen.

Hoobiyayaasha oo dhowr ahaa, ayaa waxaa laba kamid ah ay ku dhaceen Agagaarka Buundooyinka oo kala qeybiya Degmooyinka Xamar-jajab iyo Waabari ee Gobolka Banaadir.

Hoobiyayaasha ku dhacay Agagaarka Buundooyinka, ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba ruux oo shacab ahaa, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray dad kor u dhaafaya Seddex.

Hoobiyayaashaani ayaa waxa uu bartilmaameedkooda ahaa Madaxtooyada Somalia, waxaana la sheegayaa inay gudbeen, sidaana ay ku galaafteen nolosha dad badan oo shacab ah.

Hoobiyayaasha kadib ayay Ciidamadu xireen wadada hormarta Madaxtooyada Somalia, halka sidoo kale ay Ciidamo kale xireen wadooyinka gala Buundooyinka si halkaasi looga qaado Meydadka iyo dhaawacyada.

Laamaha amaanka kama aysan hadal Hoobiyayaasha, waxa ayna tani daba soctaa falal amni darro ah oo maalmahaani kusoo badaneysay magaalada Muqdisho.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News