Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan ku dilay Horjoogihii isku xirka Al-Shabaab iyo argagixisada caalamiga ah iyo Horjoogihii naftood-haligeyaasha kooxda, sida ay shaacisay hay’adda NISA.
Howl-galladan ayay ciidanku ka kala fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howl-galka koowaad ayaa 19-kii bisha ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Kuunyo Barrow iyo degmada Jilib, kaasi oo lagu khaarijiyay Horjooge Cabdixamiid Cali Cabdullaahi Macalin, oo ahaa Horjoogihii xiriirka Al-Shabaab iyo argagixisada caalamiga ah.
Ninkan ayaa mas’uul ka ahaa soo gelinta hubka iyo maaddooyinka qaraxyada, isaga oo laf dhabar u ahaa dhagarta iyo weerarrada kooxda.
Sidoo kale, howl-gal labaad oo 15-kii bisha ka dhacay deegaanka Ugunji ayaa waxaa lagu dilay Horjooge Suleyman Cumar Fidow, oo magacyadiisa afgarashadu kala ahaayeen: Faruq, Maxamed Cabdullaahi iyo Cali Saciid.
Ninkan ayaa ahaa horjoogihii naftood-haligeyaasha ee kooxda Al-Shabaab, horeyna wuxuu u soo noqday Horjoogaha dhinaca sirdoonka, waxaana hadda loo diyaarinayay in uu beddelo madaxii qaraxyada iyo marin-habaabinta ee kooxda ee lagu magacaabi jiray Injineer Ismaaciil oo bishii December lagu dilay howlgal qorsheysan.
Howl-galladan qorsheysan ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha sare ee Al-Shabaab ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab laguna burburinayo shabakadaha argagixisada, sida ay sheegtay hay’adda NISA.


