Muqdisho( Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ay ku adkaatay inuu furo kulanka baarlamaanka.
Gudoomiye Jawaari ayaa markii uu tagay hoolka baarlamaanka waxaa lagu sameeyay buuq aad u daran, taasi oo sababtay in xitaa hadal kooban uu ka jeediyo goobta.
Buuq badan kadib gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku laabtay xafiis uu ku leeyahay isla baarlamaanka dhexdiisa halkaasi oo uu ku sugan yahay iminka.
Qaar kamid ah shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa inoo sheegay in xaalada ay tahay mid adag, ayna suurta gal aheyn in kulanka maanta uu qabsoomo.
Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa wehliya labadiisa ku xigeen.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]