Muqdisho(Caasimada Online)- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa iminka ku sugan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo la filayo in maanta xildhibaanada loogu qeybiyo mooshinka ka dhanka ah r/wasaaraha.
Wararka naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa taageersan ra’iisul wasaaraha ay ku sugan yihiin golaha shacabka.
Sidoo kale wararka aan helayno ayaa sheegaya in xildhibaanadaasi ay jeexjeexeen warqadda xaadirinta xildhibaanada soo xaadirin kulanka shacabka ee magaalada Muqdisho.
Labo jeer ayaa waxaa jeexjeexay warqadaha xaadirin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha kuwaasi oo watta boorar ay kaga soo horjeedaan mooshinka.
La soco waxii kasoo kordhaa Insha Allah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

