Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan garabka R/W C/weli Sheekh Axmed, ayaa kulan ay ku qaaten Magaalada Muqdisho iskula meel-dhigay ilaa Lix qodob oo ay ku burburinayaan Fadhiga Baarlamaanka ee la filaayo in maanta uu qabsoomo.
Xubno gob jog u ahaa kullanka, ayaa Caasimada Online u sheegay ujeedkooda koowaad uu yahay inay is hortaagan kulanka, waxa uuna carabka ku dhuftay in go’aano adag ay qalinka ku duugen xildhibaanada kulmay.
Isaga oo sharaxaad yar naga siinaayay qaabka ay uga soo horjeesan doonaan Mooshinka, ayaa waxa uu sheegay inay adeegsan doonaan qodobada soo socda:-
1- In foodo aan kala joogsi laheyn laga dhex kiciyo Xarunta Baarlamaanka.
2- In mar kale dib loo qaado Heeso qiiro leh iyo cod dheer oo lagu sheego in Mooshinka uu yahay mid aan xalaal aheyn.
3- Inaan la sugin hadalka Gudoomiye Jawaari oo marka uu soo galo laga horgeeyo buuq iyo sawaxan.
4- Haddii aan dhag jalaq loo siin buuqa iyo sawaxanka, waxa ayn ku balameen inay farqaha qabsadaan Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumada R/W C/Weli ee Mooshinka laga wado.
5- In gacan ka hadal loo bedelo kulanka haddii ay dhacdo in Ciidamada Ammaanka loo fasaxo dajinta xaalada xiligaasi ka dhex qasan Xarunta.
6- Inaan la kala jabin oo lagu adkeysto mowqifka lagu difaacaayo R/W C/weli.
Dhanka kale, waxa uu Cadeeyay inay ka go’an tahay inay difaacan qadiyada Ra’isulwasaare C/weli uu uga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com