29 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Xog: Xildhibaano xabsi la dhigi doono iyo Xasan iyo Jawaari oo qorshe wata

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli maanta u qeybin doono xildhibaanada.

Jawaari waxa uu sheegay inaan marnaba loo dulqaadan doonin xildhibaanno fowdo iyo buuq dhaliya, oo howlihii baarlamanka ay ka socon la’ yihiin, waxaana la filayaa in maanta uu qaado tallaabo adag.

Caasimada Online ayaa heshay xog dheeri ah oo ku saabsan qorshaha lagu xakameeyo xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ee fowdada looga cabsi qabo inay fuliyaan maanta.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamo badan oo ka tirsan nabad sugidda iyo kuwa Amisom saaka la geyn doono xarunta baaarlamanka, sida qorshuhu yahay, ayada oo xabsiga lagu guri doono xildhibaanada fowdada wada.

Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in guddoomiye Jawaari iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay la hadleen Taliyaha nabad sugidda Cabdiraxmaan Tuuryare, uuna ballan qaaday in xildhibaankii fowdo la yimaada uu tallaabo adag ka qaadi doono, oo aan loo dul qaadan doonin.

Si kastaba, xildhibaanada taageersan Cabdi Weli, oo aan heysan codad ku filan oo ay ku bad baadiyaan ra’iisul wasaaraha ayaa wararka ay sheegayaan inay ku dhaarteen inay fowdo dhigi doonaan maanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@livecom

- Advertisement -

Read more

Local News