28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Ethiopia oo Shariif Xasan dartiis u qaadatay go’aan awood adeegsi oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay ka horyimaadeen in kulamo ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed (Saddexda Gobol), lagu qabto Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya oo Magaalada Baydhabo kula kulmay qaar ka mid ah Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed (Lixda Gobol), ayaa waxay u sheegeen inaysan Xarunta Gobolka Baay ku qaban karin, shirar looga soo horjeedo Maamulka Saddexda Gobol.

Sidoo kale waxay ku wargeliyeen inaanay Magaalada Baydhabo ku qaban karin banaanbaxyo ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo 17-kii bishaan loo doortay Madaxweynaha Maamulka Saddexda Gobol, ee kala ah Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Dhinacyadaan, ayaa waxaa lagu adkeeyay inay u hogaansamaan awaamiirta loo jeediyay, iyadoo lagu sheegay mid lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaalada Baydhabo, loogana hortagaayo in lagu qalqal-geliyo amniga.

Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol Madoobe Nuunow Maxamed, uu booqasho ku jooggo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sarkaal diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa sheegay in Nuunow uu maalmahaan dambeba uu ku sugnaa Magaaladda Muqdisho, inkastoo aan la aqoon waxa uu u jooggo.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, ayaa ku kala qaybsamay Maamulada Saddexda iyo Lixda Gobol, ee Koonfur Galbeed loogu wada yeero.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News