Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay madaxweyne Xasan Sheekh uu madaxtooyada kula kulmay xildhibaanada taageersan R/W Cabdiweli Shekh Axmed.
Sida laga soo xigtay Ilo Xog-ogaal ah, madaxweynaha ayaa xildhibaanadaas kala hadlay ineysan mar kale carqalad ku noqon kulanka baarlamaanka ee lagu wado inuu maanta ka furmo Xarunta Baarlamaanka Somalia ee lagu horgeynayo mooshinka ka dhanka ah R/Wasaare Cabdiweli Sheekh.
Sidoo kale, Kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo xildhibaanadaasi ayaa la sheegay inuu soo idlaaday, iyadoo aan la isla gaarin natiijo wax ku ool ah, kadib markii Madaxweyne Xasan uu ku goodiyay in Xildhibaanada qaar ay muteysan doonaan ciqaab qaran, taasi oo kicisay dareenka Xildhibaanada.
Kulankaani ayaa waxa uu noqonayaa kulankii labaad ee uu Madaxweyne Xasan la qaato Xildhibaanada Taageersan R/W C/Weli muddo laba maalin gudaheeda, inkastoo uu rajo xumi kusoo idlaaday.
Mid kamid ah Xildhibaanadaasi ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu wacad ku maray inuu tallaabo qaadi doono, waa haddii kulanka maanta ay Caqabad ku noqdaan.
Waxa uu kulanka Maanta qabsoomi doono kusoo beegmayaa, iyadoo laboo jeer oo hore ay xildhibaano taageersan RW Cabdilweli Foodo ka sameeyen gudaha Xarunta Baarlamaanka xili ay bilaabaneysay ka doodista Mooshinka laga gudbiyay RW C/weli.
Dhanka kale, Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maalin ka hor shaaciyay in isniinta maanta ah la qaban doono fadhiga baarlamaanka, islamarkaana la geyn doono mooshinka ka dhanka ah RW Cabdiweli Sheekh.
Jawaari ayaa ku hanjabay inaan la aqbali dooni buuq hor kale oo lagala horyimaado fahdiga baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]