28.7 C
Mogadishu
Saturday, December 13, 2025

XOG: Jawaari oo amar aan lagu farxin dul dhigay xildhibaanada raacsan R/W

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray dhanka Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu talisyada laamaha ammaanka faray inay xaqiijiyaan Ammaanka Xarunta inta lagu guda jiro gudbinta Mooshinka.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay inay ilaalsadaan Xasaanadooda, isagoona ku wargaliyay in Ammaanka gudaha Xarunta ay ku wareejiyeen Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Booliska iyo tiro yar oo taabacsan Boliska DF Somalia oo caawinaayo kuwa AMISOM, halka kuwa Nabadsugidana ay sugayaan Ammaanka banaanka sare.

Jawaari ayaa waxa uu amray in Xildhibaankii xarunta ka dhex kiciyo buuq ay Ciidamadu u fasaxan yihiin inay ka dhex saaran gudaha Xarunta, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Xildhibaanada qaar lagu kala sooci doono banaanka.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa waxa ay ka turjumeysaa heerka uu gaarsiisan yahay Caqabadaha ka taagan gudbinta Mooshinada, waxaana mar waliba suuragal ah in halkaasi uu ka dhaco gacan ka hadal.

Xaalada ayaa ah mid aan horay loo arag, iyadoona ay labada Mas’uul ka biyo diidan yihiin inay muujiyaan isku tanaasul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News