28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli oo saameeyey safaaraadaha SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada iyo Dhiiri gelinta Soomaaliya Mudane Burci Maxamed Xamse ayaa ka hadlay khilaafka madaxda dowladda federaalka u dhaxeeya ee saamaynta ku yeeshey xildhibaanada Baarlamaanka.

Burci waxa sheegay in khilaafku saameeyey safaaradaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana uu u digay shaqaalaha safaaradaha.

Wasiiru Dowlahu waxa uu fariin u diray dhamaan shaqaalaha ka howl gala safaaradaha kala duwan ee dalka dibadiisa isagoo si khaas ula hadlay Safiirada, Agaasimayaaasha wasaaradda, waaxyada maamulaha hoose ee la xiriira shaqada oo uu ku booriyey in ay shaqada ay u hayaan shacabka ka soo ka dhexgalin khilaafka madaxda dowladda federaalka.

“Waxaad tihiin shaqaale joogta ah oo u xilsaaran hagidda howlaha qaranka ee dibadda , waxaa la idinka doonayaa inaad fududeysaan adeegyada iyo iskaashiga idinkala dhaxeeya Wasaaradaha kala duwan ee dowladda , Xafiisyada Ururada, hey’adaha iyo Safaaradaha shisheeye ee ka furan dalka Soomaaliya” ayuu ku yiri war uu soo saaray wasiiru dowlaha Arrimaha dibada Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa gaaray meel aad u sarayso, iyadoo soo shaac bixida khilaafkan laga joogo muddo ku dhow bil, illaa hadana aan wax xal ah laga gaarin, Wuxuuna saamayn ku yeeshay Golaha Baarlamaanka iyo golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News