23.7 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Qaraxyo culus oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow labada Qarax laga maqlay Agagaarka Isgoyska Tarabuunka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxyada ayaa la sheegay inay ka dhasheen laba Miino oo lagu aasay Maqaayad ku taalla Isgoyska Tarabuunka oo ay fadhiistaan ciidamo ka tirsan Dowlada.

Maqaayada uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu ahaa mid ay ciidamo iyo dad shacab ahba ka cunteyn jireen waxaana maqaayadaa lagu sheegay magaceeda Waayaabee.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa halkaasi laga maqlaayay Rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamada Dowlada ee lagu weeraray Goobta waxaana la xaqiijiyay in halkaasi uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in indhahooda ay ku arkeen ilaa Laba ruux oo Meyd ah kuwaa oo xiliga Qaraxa ku sugnaa Maqaayada, halka dhaawacana uu gaarayo Afar Ruux.

Goobta ay Qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamada Dowlada oo halkaasi ka daabulaaya dhaawaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News