Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa laba qarax oo caawa ka dhacay Maqaaxi ku taalla Isgoyska Tarabuunka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxyada ayaa ka dhashay laba Miino oo lagu aasay maqaaxida oo xiligaasi ay ku shaahayeen ciidamo ka tirsan Dowlada iyo dad shacab ah.
Qaraxyada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsanaa milliteriga.
Qaraxyada ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa Afar ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah.
Goobjooge qaraxaasi ka hadlay, ayaa yiri “Saddex qof ayaa ku dhimatay qaraxa, Afar kalana way ku dhaawacantay, waxaa intaas dheer burbur wayn ayuu qaraxaasi soo gaarsiiyay maqaayadda.”
”Maqaaxida waxaa habeen waliba ku qayila Ciidamo farabadan oo xiligaasi kasoo baxa shaqada, waxaana u badnaa kuwa militeriga oo inta badan isku ballansan jiray”
Maamulka Degmada Hodan iyo Saraakiisha Amaanka wali kama aysan hadal Qaraxa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

