Kenya oo toogasho ku dishay mas’uul caan ah.!!

Mqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanka Likooleey ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in Askarta Kenya ay halkaas ku dileen guddoomiyihii deegaanka Ceelcade.

Guddoomiyaha la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdiqaadir Max’ed Cali Qoorleex ayaa indhawaanahaan kadib weerarkii Ceelcade u xirnaa Ciidamada Kenya.

Saraakiisha Kenya ayaa guddoomiyaha u heystay kadib markii lagu soo eedeeyay in ilaaladiida ay gacan ka geysteen weerarkii Ceelcade.

Sida uu Shabelle u xaqiijiyay Col Aadan Rufle oo ka mid ah Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo guddoomiyaha ayaa geeriyooday kadib markii uu Rasaas ku furay Askar Kenyan ah.

Weli kama hadlin Saraakiisha Kenya arrintaan iyadoona sidoo kale aanu jirin wax war ah oo dhankooda ay ka soo saareen Maamulka Gobolka Gedo falkaan.

Dhawaan ayaa dowladda Kenya war ay soo saartay waxa ay ugu eedeysay beesha Mareexaan ee degta Deegaanka Ceelcade in ay kaalin ka geysteen weerarkii Askarta badan looga laayay.

Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com