Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ka walaacsan culeyska Siyaasadeed ee ka heysta dhanka maamul Goboleedyada dalka, ayaa waxa uu markii ugu horeysay fashiliyay qorshaha uu C/wali Gaas ka damacsan yahay qodobka deegaan ku xulista Xildhibaanada imaan doona.
Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in masiirka Umadda Soomaaliyeed xiligaani laga dhigo shaqsi shaqsi ku duulay, waxa uuna tilmaamay in C/wali Gaas uu qorshaha deegaan xulista ka damacsan yahay in lagu caqabadeeyo Siyaasadiisa.
Xassan Sheekh waxa uu sheegay in C/wali Gaas uusan daacad u aheyn in laga gudbo nidaamka 4.5, waxa uuna carabka ku dhuftay in ujeedkiisa uu yahay in meeshalaga saaro Dowlada hadda jirta taasina aysan dhici doonin.
Xassan Sheekh waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in mudada uu hayo xilka uusan ka tallo qaadan doonin C/wali Gaas, waxa uuna cadeeyay in nidaamka 4.5 uu yahay mid muqadas ah, islamarkaana ujeedka loo qaatay uu yahay in lagu raali galiyo dhamaan beelaha Soomaaliyeed.
C/wali Gaas ayuu sheegay inuusan awood u laheyn in faragalin uu ku sameeyo qorshaha horyaalla Dowlada waxa uuna Xassan Sheekh ku taliyay in fiirsashadiisa aan loo haleyn nidaamka Siyaasadeed ee Somalia.
Docda kale, Xassan Sheekh waxa uu bidhaamiyay misna cadeeyay in Dowladiisu mudada u harsan ay kusii shaqeyn doonto nidaamkaasi, ilaa laga helo rabitaan shacab.
Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]