Sawirro: Lix qodob oo lagu go’aamiyey shirkii ay xalay yeesheen golaha wasiirrada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo xalay ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 16 hey’adood oo 12 ka mid ah ay wasiirro yihiin.

Sidoo kale guddigaan oo loo xil saaray gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya waxaa qeyb ka ah Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana shirka lagu go’aamiyey lix qodob.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.

Shirkan degdegga ah oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

1- Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka

2- Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

3- Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

4- Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

5- Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

6- Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

  1. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
  3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
  4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
  5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
  6. Wasiirka Maaliyadda
  7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
  8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
  9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
  10. Wasiirka Amniga Gudaha
  11. Wasiirka Gaashaandhigga
  12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
  13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
  14. Culimada Soomaaliyeed
  15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
  16. Ururada bulshada Rayidka