Mareykanka oo war kasoo saaray doorashada Kenya ee muranka uu hareeyey

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dadka Kenya inay deganaansho iyo dulqaad muujiyaan kadib markii lagu dhowaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxweyne, balse uu natiijada ku gacan sayray musharaxii laga adkaaday Raila Odinga.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan in si nabad ah loo xaliyo walaaco kasta oo harsan oo ku saabsan doorashada ayada oo loo marayo marinada lagu xailiyo muranada ee jira,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price

“Waxaan weydiisaneynaa dhammaan hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan inay taageerayaashooda ugu baaqaan inay nabadda ilaaliyaan ayna ka fogaadaan rabshadaha inta uu socdo hanaanka doorashada,” ayuu yiri.

Odinga ayaa markii shanaad ku guuldarreystay isku day uu ku noqon lahaa madaxweynaha Kenya ayada oo uu ka adkaaday madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto.

Labada musharax ayaa waxaa u dhaxeeyey codad dhan 230,000 ama wax ka yar 2% tirade guud ee codadka la dhiibtay.

Odinga ayaa sheegay in ku dhowaaqista guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ee ah inuu William Ruto ku guuleystay doorashada ay tahay “waxba kama jiraan.” 

Waxa uu intaas ku daray in Chebukati uusan ka awood badneyn xubnaha kale ee guddiga, kuwaasi oo afar ka mid ah ay diideen natiijada uu shaaciyey ayaga oo sheegay inaysan ku raacsaneyn.

“Waxa aan shalay argnay (Isniintii) waxay ahaayeen ceeb iyo xashmad darro cad oo lagu sameeyey dastuurka Kenya,” ayuu Raila ka yiri shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Nairobi.

Waxa uu wacda ku maray inuu adeegsan doono wax kasta oo sharci ah si uu uga loolamo natiijada.

“Ma doonayo inaan si buuxda uga hadlo waxa ay xeeladaheena xiga yihiin hase yeeshee… waxaan raadin doonnaa dhammaan ikhtiyaarada sharciga iyo dastuuriga ah ee aan heli karno,” ayuu yiri.

Odinga ayaa horey u sheegay in laga khiyaanay guulo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay 2007, 2013 iyo 2017, waana markii shanaad ee doorasho madaxweyne looga adkaado.