Hooyo Faa’iso: Adeeg ayaan gabadheyda u diray, balse maydkeeda ayaa la ii keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil arxan darro ahaa oo gelinkii dambe ee shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho loogu geystay marxuumad Hibo Qaasim Maxamed oo ka mid aheyd ardaydii shalay ku baastay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar oo dhashay marxuumadda ayaa xog cusub ka bixisay sida uu u dhacay dilka gabadheeda oo loo adeegsaday mindi ama toorey.

Waxa ay sheegtay Hooyo Faa’iso in xilliga la diyayey gabadheeda ay adeeg uga dirsatay suuqa, balse ayada oo mayd ah loo keenay, kadib markii uu nin hubeysan ku helay jidka.

“Suuqa ayey adeeg ka doontay soo noqodkii ay soo noqoneysay ayaa waddada lagu helay, isla xaafadda dhexdeeda waayey,” ayey tiri Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar.

Sidoo kale wax ay intaasi ku dartay in gabadheeda si arxan darro ah loo dilay, isla-markaana xiittaa looga tegay waddada dhexdeeda mindida oo ka taagan.

“Wallaahi wax lagu dilo ma sheegi kari gabadha, ayada oo mindida ay ka taagan tahay ayuu ninka ka tegay afar meel ayaa uga dhacday,” ayey sii raacisay.

Ugu dambeyn waxa cod dheer baaq ugu dirtay dowladda Soomaaliya, oo ay ka dalbaday inay soo qabtaan ninkii ka dambeeyey dhacdadaas oo goobta isaga baxsaday.

Qoyska Hibo oo shalay faraxsanaa maadaama ay imtixaanka dowladda ku baastay gabadhoodii ayaa xalay murug ku seexday, kadib markii ay tuugo dishay gabadhooda.

AUN iskuul lagu magacaabo Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ayey ka baxday gabadha caawa la dilay, waxaana xusid mudan in iskuulkaas qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muqdisho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah wiilka kaalinta koowaad ka