Madaxweyne Xasan oo magacaabay guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magacaabay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, in ka badan lix bil kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022.ย 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri โ€œMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.โ€

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

1- Ciise Maxamuud Guure – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda.
2- Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga.
3- Cabdicasiis Cismaan Maxamed – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada.
4- Xasan Maxamed Jimcaale – Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud.
5- Faysal Carraale Afrax – Xog-hayaha guud.

Bayaanka kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray โ€œXeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.ย 

Xeerkan madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiye ku-xigeennada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka November, 2022.

Madaxweynaha ayey lix bil ku qaadatay inuu beddelo ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, waxaana ugu wacneyd in siyaasiyiin badan oo ku dhow ay loolan iyo olole u galeen sidii loo magacaabi lahaa dad ku dhow.

- Advertisement -

Read more

Local News